Ururwayanah Aqoontu waa iftiin oo ku kulmay call conference.

This slideshow requires JavaScript.

Maanta oo ah Sabti bishuna tahay March 25,2017 ayaa waxaa ku kulmay khadka teleefoonka madaxda iyo bulshada ururwaynaha Aqoontu waa iftiin. Shirkaas oo uu garwadeen ka ahaa gudoomiyaha ururka Aqoontu waa iftiin mudane Cabdiwali Ducaalehadalwanaaje, ayaa waxaa lagu gorfaynayey hawlaha ururka hor yaala.

Gudoomiye Cabdiwali Ducaale Hadalwanaaje, ayaa aad uugu dheeraaday wax qabadkii ururka intii uu soo jiray, iyo qorshayaasa mustaqbalka u dagsan. Gudoomuyahu waxaa kale oo ka hadlay arimaha abaaraha oo ururku gurmad xoog leh gaarsiiyey dad badan oo Somaali ah oo aad wax yeelo badan kasoo gaartay abaaraha ka taagan gayiga Somaalida iyo barakac ay dadkaas la kulmeen, waxuuna gudoomiyahu bulshada ku booriyey in ay sii laba jibaaraan u gurmadka dadka walaalahood ah oo ku dhibaataysan meelaha ay abaarahu kajiraan. Gudoomiye Cabdiwali, waxuu ka waramay taariikhda asaasihii whatsupka golaha Mudane Cabdicaziz Xasan Xirsi, kuna bogaadiyey wax qabadkiisii iyo hal abuurkiisa.

Waxaa kale asaguna halkaas khudbad dhinacyo badan taabanaysa kajeediyey gudoomiye ku xigeenka ahna xogyaha waxbrashada mudane Khaliif Maxamed Cali, oo ka waramay arintii waxbrashada meesha ay marayso iyo qorshayaasha u dagsan. Waxaa ayaguna ka hadlay masuuliinta golaha dhexe ee ururka gudoomiye ku xigeenka mudane Jaamac Saciid Gorayo, iyo Murwo Suways Cali Xaad, oo ayaguna bulshada u sharaxay roleka uu golaha dhexe ka cayaarayo shaqooyinka ururku hayo. Waxaa asaguna khudbad aad u qiimo badan iyo mahad naq intaba kajeediyey asaasihii qaybta whatsupka kadib markii gudoomiye Cabdiwali, uu ka codsaday in uu kalmad u jeediyo bulshadiisa maanta uugu mahad naqday hal abuurkiisa iyo isu soo dhawaynta bulshada.

Kadib waxaa ayaguna aragtidooda ka dhiibtay bulshadii shirka kasoo qayb gashay oo ka hadlay sida wax looga qaban karo dhinacyada abaaraha, waxbrashada iyo wacyi galinta.

Ugu danbayn waxaa kasoo baxay qodobada hoos ku xusan dhamaadkii shirka.

  • I. In la dardar galiyo ugurmadka bulshada abaaraha aad uugu dhibaatawday.
  • II. In la sameeyo isku xir gudiyada dibada iyo gudaha ee ururka.
  • III. Daraasad laga soo diyaariyo sida uugu haboon oo wax looga qaban karo dadka aad uugu tabaaloobay abaaraha iyo barakaca lana badiyo kharashakii horay loogu qorsheeyey.
  • IV. In shir danbe oo kan kabalaaran sida uugu dhakhsaha badan laysugu yimaado.
Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s