Ilaah dilaa dhinta, hooyo dhimatay ayadoo uur 4 bilood ah, oo markii ilmahii gaareen 7 bilood laqalay.

بعد وفاتها بأربعة أشهر.. سيدة تلد توأماً !

Waxay ku guulaysteen dhakhaatiir u dhashay dalka Brazil qaliin lagu sameeyey hooyo ayadoo uur leh dhimatay (Death Brain) maskaxda ka dhimatay, markii ay dhimatay hooyadaan ilmaha uurka kujira oo mataano ah waxay jireen 4 bilood wadnahooda waa dhaqaaqayey ilmaha mataanaha oo uurka kujiray. Dhakhaatiirtu markii ay hooyadaan dhimatay waxay ku xireen qalab saacidaya shaqada wadnaha hooyada oo xarako lahaa. Dhakhaatiirtu in ay qalitaankan u sameeyeen codsi uuga yimid aabaha ilmahan dhalay si loo badbaadiyo ilmahan mataanaha ah sida ay qortay jariidada la dhaho folia de saw pawlo oo ka soo baxda dalka Brazil. Waxaa xusid mudan in dhakhaatiirtu ay ku xireen qalab wadnaha hooyada maskax ahaan u dhimatay, waxaana layaab ahaa in wadnahii uu aqblay jihaazkii lagu xiray, uuna shaqaynayey ilaa ay ilmahu ka gaareen 7 bilood, waxay go,aansadeen dhakhaatiirtii in laqalo hooyada dhimatay si ilmahii looga soo saaro, waana ku guulaysteen. Allah dilaa dhinta saw maaha?

 

.

Advertisements

Shir call conferene ah oo ay kasoo qayb galeen madaxda iyo bulshada rurwaynaha aqoontu waa iftii.

Gudoomiyaha ururwaynaha aqoontu waa iftiin mudane Cabdiwali Ducaalehadalwanaaje, ayaa maanta furay shir ay ku kulmeen khadka teleefanka in badan oo ka mid ah madaxda iyo bulshada ururwaynaha aqoontu waa iftiin. Shirkaas waxaa lagu lafa guray hawla badan oo ay ka mid yihiin geedi socodka ururka xaga tacliinta, wacyi galinta bulshada iyo gurmadka abaaraha oo muda socday hadana lasii dardar galinaayo.

Gudoomiye waxuu mudo dheer ku dheeraaday taariikhdii ururka iyo wax qabadkiisa intii uu jiray iyo waxyaalaha u qorshaysan. Waxaa kale oo gudoomiyahu uu halkaas ku gudoonsiiyey asaasihii forum ka whatsup ka ee ururka mudane Cabdicaziiz Xasan Xirsi, doorkii aad u qiimaha badnaa oo uu ka qaatay dumida iyo iso soo uruurinta bulshada ururka ku midawday. Waxaa kale oo ayaguna halkaas war bixino ka dhiibay gudoomiye kuxigeenka ururka ahna xooghaya arimaha waxbrashada mudane Khaliif Maxamed Cali, oo ku dheeraaday qorshayaasha ururka xaga tacliinta iyo wax u qorshaysan mustaqbalka. Bulshawaynta ururka ayaa ayaguna ka dhiibtay aragtidooda dhinacyada abaaraha iyo waxbrashada. Ugu danbayn waxaa ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan:

  • I. In la dardar galiyao arimhii waxbarshada.
  • II. In tilaabooyin gurmad ah oo hor leh loo sameeyo umuda Somaaliyeed oo aad uugu waxyeeloobay abaaraha iyo barakaca.
  • III. In laysku xiro gudiyada ururka oo dibad joog iyo daljoog.
  • IV. Ugu danbayn in shir danbe la qabto oo dhamaan bulshada oo dhan ka soo qaybgasho.

Ururwayanah Aqoontu waa iftiin oo ku kulmay call conference.

This slideshow requires JavaScript.

Maanta oo ah Sabti bishuna tahay March 25,2017 ayaa waxaa ku kulmay khadka teleefoonka madaxda iyo bulshada ururwaynaha Aqoontu waa iftiin. Shirkaas oo uu garwadeen ka ahaa gudoomiyaha ururka Aqoontu waa iftiin mudane Cabdiwali Ducaalehadalwanaaje, ayaa waxaa lagu gorfaynayey hawlaha ururka hor yaala.

Gudoomiye Cabdiwali Ducaale Hadalwanaaje, ayaa aad uugu dheeraaday wax qabadkii ururka intii uu soo jiray, iyo qorshayaasa mustaqbalka u dagsan. Gudoomuyahu waxaa kale oo ka hadlay arimaha abaaraha oo ururku gurmad xoog leh gaarsiiyey dad badan oo Somaali ah oo aad wax yeelo badan kasoo gaartay abaaraha ka taagan gayiga Somaalida iyo barakac ay dadkaas la kulmeen, waxuuna gudoomiyahu bulshada ku booriyey in ay sii laba jibaaraan u gurmadka dadka walaalahood ah oo ku dhibaataysan meelaha ay abaarahu kajiraan. Gudoomiye Cabdiwali, waxuu ka waramay taariikhda asaasihii whatsupka golaha Mudane Cabdicaziz Xasan Xirsi, kuna bogaadiyey wax qabadkiisii iyo hal abuurkiisa.

Waxaa kale asaguna halkaas khudbad dhinacyo badan taabanaysa kajeediyey gudoomiye ku xigeenka ahna xogyaha waxbrashada mudane Khaliif Maxamed Cali, oo ka waramay arintii waxbrashada meesha ay marayso iyo qorshayaasha u dagsan. Waxaa ayaguna ka hadlay masuuliinta golaha dhexe ee ururka gudoomiye ku xigeenka mudane Jaamac Saciid Gorayo, iyo Murwo Suways Cali Xaad, oo ayaguna bulshada u sharaxay roleka uu golaha dhexe ka cayaarayo shaqooyinka ururku hayo. Waxaa asaguna khudbad aad u qiimo badan iyo mahad naq intaba kajeediyey asaasihii qaybta whatsupka kadib markii gudoomiye Cabdiwali, uu ka codsaday in uu kalmad u jeediyo bulshadiisa maanta uugu mahad naqday hal abuurkiisa iyo isu soo dhawaynta bulshada.

Kadib waxaa ayaguna aragtidooda ka dhiibtay bulshadii shirka kasoo qayb gashay oo ka hadlay sida wax looga qaban karo dhinacyada abaaraha, waxbrashada iyo wacyi galinta.

Ugu danbayn waxaa kasoo baxay qodobada hoos ku xusan dhamaadkii shirka.

  • I. In la dardar galiyo ugurmadka bulshada abaaraha aad uugu dhibaatawday.
  • II. In la sameeyo isku xir gudiyada dibada iyo gudaha ee ururka.
  • III. Daraasad laga soo diyaariyo sida uugu haboon oo wax looga qaban karo dadka aad uugu tabaaloobay abaaraha iyo barakaca lana badiyo kharashakii horay loogu qorsheeyey.
  • IV. In shir danbe oo kan kabalaaran sida uugu dhakhsaha badan laysugu yimaado.